945 Views

Wasiir Beyle Oo La Kulmay Madaxweynaha Bangiga Afrika

Wasiir Beyle Oo La Kulmay Madaxweynaha Bangiga Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 14,, 2019  –Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa Magaalada Malabo ee Dalka Equatorial Guinea  waxaa uu kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika, Akinwumi Adesina.

Wasiir Beyle ayaa Madaxweynaha Bankiga waxaa uu warbixin kooban ka siiyay horumarka Soomaaliya ee dib-u- habeynta,isla markaana waxaa uu Wasiirka ku boorriyay inuu sii wado doorka muhiimka ah ee ku aadan hannaanka Qaran ee loogu jiro deyn cafiska Soomaaliya.

“Waxaan ku faraxsanahay in madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika, Akinwumi Adesina, uu aqoonsaday dadaalka dib-u-habeeynta ee Xukuumadda Soomaaliya, isagoo sidoo kale xaqiijiyay in Bangiga Horumarinta Afrika uu sii wadi doono taageeradiisa joogtada ah”ayuu yiri Wasiir Beyle.

 

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa Magaalada Malabo ee Dalka Equatorial Guinea  uga qeyb galay Shirka Bangiga horumarinta Afrika,kaasi oo la soo gabagabeeyay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment