909 Views

Masar oo shegtay in heshiis la gaaro ka hor buuxinta labaad ee biyo xireenka Wabiga Niil

Masar oo shegtay    in  heshiis la gaaro ka hor buuxinta labaad ee biyo xireenka Wabiga Niil
____________________________________________________________________________

May 22 2021

Wasiirka Arimaha Dibadda Masar Saamix Shukri, ayaa caddeeyay in ay muhiim tahay heshiis la gaaro kahor buuxinta labaad ee biyo xireenka Wabiga Niil, hadii ay dhacdo arrinkan waxa la filan karo waa xiisad ka dhalato gobolka.

Saamix Shukri wuxuu intaas ku daray in Itoobiya ay mas’uul ka noqon doonto, wax kasta oo ka dhaca gobalka, laakiin Itoobiya wali wax jawaab ah kama bixin.

Wasiirka arrimaha dibadda Masar, wuxuu cadeeyay in Masar ay awood u leedahay inay ilaashato danaheeda gobalka, isla markaana aanay u dulqaadan doonin isku day kasta oo ka hor imaanayo danaha Shacabkeeda iyo guud ahaan tan gobalka.

Shukri ayaa sheegay in buuxinta labaad ee biyo xireenka Al Nahda ay ka dhigantahay in Itoobiya ay  ka baxday xeerarka caalamiga iyo heshiisyadii horay looga gaaray Biyaha Wabiga Niil.

Ugu danbeeyntii Dowladda Masar ayaa sheegtay in dhibaatada iyo xasilooni darada ka dhalato biyo xireenkan ay guud ahaan sameeyndoonto Bariga iyo Geeska Afrika, taasi oo mudan in xal waaro laga gaaro.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post