498 Views

30 ruux oo ku dhintay Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Masjid ku yaalla Pakistan

30 ruux oo ku dhintay Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Masjid ku yaalla Pakistan
____________________________________________________________________________


Sabti: March 5, 2022

Ugu yaraan 30 ruux ayaa ku geeriyooday, halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen, qarax xooggan oo Salaadii Jimacaha ka dhacay Masjid ku yaalla magaalada Peshawar ee waqooyi-galbeed Pakistan.

Taliyaha booliska Peshawar Muhammed Ejaz Khan ayaa sheegay in Booliiska ay ka hor qaraxa weerar ku soo qaadeen saddex nin oo hubeysan, isla markaasna ay dileen laba kamid ah, halka ninkii kale uu gudaha Masjidka Isku qarxiyay.

In ka badan 60 qof ayaa ku dhaawacmay, waxaana laga yaabaa in dhimashadu ay kororto, ayuu yiri afhayeenka Isbitaalka Maxamed Caasim.

Ma jirto koox ilaa hadda sheegatay mas’uuliyadda weerarkan

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post