Muqdisho | QOL | 10 Oktoobar, 2017 – 4; ka mid ah XIldhibaannada Golaha shacabka ayaa shalay xubin ka noqday Baarlamaanka Pan-Afrika ee ay xubnaha ka yihiin Baarlamaannada Dalalka Afrika.
Shirkan oo shalay ka furmay Magaalada Johannesburg ee dalka South-Africa.waxaa furay Madaxweynah Dalka Koofur Afrika Jocob Zuma,waxaana ka qeyb galay XIldhibaannada xubnaha ka ah Baarlamaankan ee ka socda Baarlamaannada Qaaradda Afrika.
Magacyada XIldhibaannada ku biiray Baarlamaanka Pan-Afrika ayaa kala ah; Xildhibaan Lutfi Shariif Maaxamed,Xildhibaan C/Xakiin Macallin Axmed,Xildhibaan Idiris Cabdi Taqtar iyo Xildhibaanad Yaasmiin Xuseen Maxamed.
Xildhibaannada ayaa lagu dhaariyay hoolka uu kulanka ka socday waxaana dhaartaas marayay Xildibaanno ka socday Dalka Lesotho,kuwaas oo yina lagu dhaariyay kulanka 5aad ee Fadhiga Baarlamaanka Afrika.
Xildhibaannada Soomaalida ah ee Afarta ah,waxaa ay Baarlamaanka Soomaaliya ku matali doonaan Baarlamaanka Qaaradda Afrika ee fadhigiisu yahay Dalka Koofur Afrika.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
___________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________