810 Views

Akhriso:- Khasaaraha ka dhashay dagaalka Magaalada Beledweyne

Akhriso:- Khasaaraha ka dhashay dagaalka Magaalada Beledweyne
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | December 4,, 2020 –
Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan waxaa saaka ku dagaalamay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaadka Janeraal Abuukar Xuud, kuwaas oo diidan dhismaha Hir-Shabeellle iyo in uu Magaalada Beledweyne tago Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadka Janeraal Xuud oo ka yimid dhinaca degaanka Ceel-gaal ay la wareegeen qeybo kamid ah xaafadaha Kooshin iyo Xaawa-taako iyo aga-gaarka garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne, kadib markii ay ka warheleen in Maanta uu Beledweyne ku wajahan yahay Madaxweynaha Hir-Shabeelle.

Dagaalka ka dhacay Magaalada Beledweyne ayaa waxaa la xaqiijiya inay ku dhaawacmeen laba ruux oo mid kamid ah uu yahay dhinacyadii dagaalamay, kuwaas oo dhaawacooda la geeyay y Isbitaalka Magaalada Beledweyne.

Qaar kamid ah horjoogayaasha Maleeshiyaadka Janeraal Xuud ayaa waxaa ay sheegeen inay qabsadeen Xaafado ka tirsan magaalada Beledweyne, isla markaana ay dagaalami doonaan intii uu Madaxweynaha Hir-Shabeelle imaan lahaa Beledweyne.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post