522 Views

Ruushka oo mar kale soo hadal qaaday adeegsiga hubka nukliyeer-ka

Ruushka oo mar kale soo hadal qaaday adeegsiga hubka nukliyeer-ka
____________________________________________________________________________


Arbaco: March 23, 2022

Afhayeen u hadlay Kremlin-ka ayaa sheegay in Putin uu isticmaali karo hubka nukliyeerka haddii Ruushka uu la kulmo “khatar wayn”

Mar ay CNN weydiisay in Madaxweyne Putin uu ka fiirsan doono adeegsiga hubka Nukliyeerka, Peskov ayaa yiri: “Waxaan leenahay fikradda amniga gudaha waana mid dadweyne, waxaad akhrin kartaa dhammaan sababaha hubka Nukliyeerka loo isticmaalo.”

“Sidaas darteed haddii ay khatar ku tahay waddankeena, markaa [hubka nukliyeerka] waxaa loo isticmaali karaa si waafaqsan fikraddayada.”ayuu yiri Afhayeen Kremlin.

Dhanka kale Pentagon-ka ayaa ku tilmaamay hadalka nukliyeerka “mid halis ah”, laakiin wuxuu sheegay in Maraykanku uusan u baahnayn inuu beddelo mowqifkiisa ka hortagga.

Xoghayihii hore ee difaaca Mareykanka Leon Panetta ayaa sidoo kale dhaleeceeyay faallooyinka Peskov.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay 28-kii February, maalmo uun ka dib markii uu Ruushku galay Ukraine, in uu heegan gaar ah gelinayo ciidammada nukliyeerka ee Ruushka.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post