1296 Views

Taliska Ciidanka xoogga dalka oo faah faahiyay khasaaraha dagaalka G/Galgaduud

Taliska Ciidanka xoogga dalka oo faah faahiyay khasaaraha dagaalka G/Galgaduud
____________________________________________________________________________

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada dawladda iyo in ka badan 15 ka mid ah Al-Shabaab ayaa la sheegay inay ku dhinteen dagaal ciidanka dowladda & Al-Shabaab ku dhex-maray inta u dhaxeysa garoonka diyaaradaha Dhusamareeb iyo degaanka Ceel Dheere.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada dowladda ay weerareen goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan laba saacadood.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda oo Warbaahinta kula hadlay goobta dagaalka ayaa sheegay nay Al-Shabaab ka dileen 19 Xubnood, sidoo kale ay ku raad joogan Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana uu Ciidamada iyo Shacabka ugu baaqay inay u midoobaan la dagaalanka Al-Shabaab.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post