1248 Views

Milatariga Israa’iil oo xoojiyay weerarada Qasa iyo falastin oo Tel Aviv weerartay

Milatariga Israa’iil oo xoojiyay weerarada  Qasa iyo falastin oo  Tel Aviv  weerartay
____________________________________________________________________________

May 14 2021

Milatariga Israa’iil ayaa xoojiyay weerarada ay ka wadaan Qasa iyadoo dagaalamayaasha Falastiiniyiintana ay iyagana sii wadaan inay gantaallo ku tuuraan dhinaca Israa’iil xilli colaadu ay gashay maalintii shanaad.

Ciidammada Israa’iil ayaa sheegay in xoogagga cirka iyo kuwa dhulka ay qeyb ka ahaayeen weerarada dhacay maanta oo Jimce ah, balse waxay sheegeen in ciidammadooda aysan gelin Qasa.

Weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugan Qasa ayaa sheegay in magaallada ay ku socdaan duqeymo xooggan oo loo adeegsanaya noocyada kala duwan ee diyaaradaha dagaalka.

Ilaa iyo hadda 100 qof ayaa lagu dilay Qasa, 7 qofna dhinaca Israa’iil tan iyo markii ay billowdeen dagaallada Isniintii.

Gantaalo laga soo riday meel ka baxsan Qasa
Saddex gantaal oo laga soo tuuray Lubnaan aya haleelay badda Mediterranean-ka ee ka baxsan xeebta waqooyiga Israa’iil, sida ay ciidammada difaaca Israa’iil (IDF) ay bartooda Twitter-ka ku sheegeen

Ciidammada Difaaca ee Israel waxay sheegeen, in muddo yar ka hor gantaallo ka yimi meel aan carriga Falastiin ahayn ay ku soo dhaceen, iyaga oo aan faahfaahin badan raacin.Gantaalahan ayaan wax khatar ah galin Israel, sidaa darteedna lama yeedhin qalabka dhawaaqa ee tilmaama khatarta iyo sida oo kale lagama shaqaysiin nidaamyada difaaca gantaallada ee hawadooda sida ay tebinayaan warbaahinta Israel.

Ma jirto koox illaa iyo hadda sheegatay inay ka dambeysay gantaalkan. Waxaa jira dhowr kooxood oo xagjir ah oo ka howlgala Lubnaan. Waxaa ka mid ah dhaqdhaqaaqa Xisbullah, oo dagaal bil socday la galay Israel sanadkii 2006.

Tareennada ka baxa Tel Aviv ee taga magaalada Lod ayaa la hakiyay sababo la xidhiidha rabshadaha ku sii kordhaya magaaladan sida isku dhafka ah ay u degaan Yuhuuda iyo Carabtu, sida ay qortay warbaainta Jerusalem Post.

Dibadbaxyada ay dhigayaan Carabta Israel ayaa ka dhacay Lod, oo ah magaalo u dhow Tel Aviv, wuxuuna isu rogay rabshado, iyadoo mudaaharaadayaashu ay dhagxaan ku tuurayaan booliska. Muddaharaadyadu waxay daba socdeen aaskii nin Carab Israa’iili ah oo ku dhintay rabshadihii ka dhacay magaalada maalin ka hor.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay u yeedheen ciidan 7,000 oo keyd ahaa isla markaana ay joojiyeen fasaxii ay aadi lahaayeen. Qiyaastii kalabadh ka mid ah kaydka ayaa lagu soo waramayaa inay ka shaqeyn doonaan difaaca hawada, madaafiicda iyo qaybaha caafimaadka

Tallaabadan ayaa timid iyadoo Israa’iil ay ka digtay inay suurta gal tahay inay fuliso howlgal dhulka ah, iyada oo taangiyo iyo ciidan la geeyay xadka ay la wadaagaan Qaza

Dhanka kale, diyaaradaha Israa’iil ayaa duqeymo dheeraad ah ka fuliyay Qaza, iyagoo bartilmaameedsaday waxa ay militariga ku sheegeen bangiyada iyo dhismayaasha sirdoonka

Kooxda Falastiiniyiinta ah ee Xamaas ayaa gantaalo hor leh ku riday dhanka Israa’iil , afhayeen u hadlay kooxda ayaa sheegay in ay muujiyeen “qayb yar oo kaliya” oo ka mid ah awoodahooda.

Duulimaadyada soo gal ayaa la hakiyay garoonka diyaaradaha Israel ee Ben Gurion oo u dhow Tel Aviv waxaana loo weeciyay garoonka diyaaradaha Ramon ee koonfurta. Shirkadaha diyaaradaha qaarkood ayaa hakiyay duulimaadyadii ay ku tagi jireen Israel

Sarkaal Israa’iil ah ayaa sheegay in howlihii garoonka Ramon ay si kooban u hakadeen ka dib markii gantaal ku soo dhacay aagga u dhaw, laakiin uu hadda u shaqeynayo sidii caadiga ahayd, sida uu ku warramay wargeyska Haaretz.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in dagaalyahanada Xamaas ay bilaabeen inay “drones ismiidaamin ah” ay ku soo tuuraan Israa’iil

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post