267 Views

Madaxda Hiiraan iyo xildhibaano qiimeynaya khasaaraha gaarey buundada Buula Burde

Madaxda Hiiraan iyo xildhibaano qiimeynaya khasaaraha gaarey buundada Buula Burde
____________________________________________________________________________

Khamiis: OCTOBER 20, 2022

Waxa weli go’an buundada magaalada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan oo shaley la qarxiyey.

Tani ayaa muhiim u ah isku socodka gawaarida gobolada koonfurta iyo kuwa dhexe ee Soomaaliya.

Qaraxaas ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay kuna dhaawacmeen dad fara badan.

Qaraxa kadib, ayaa waxaa goobta gaaray mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiintani, ayaa waxaa kamid ah xildhibaano heer federaal ah, kuwaasoo qiimaynaya khasaaraha inta uu le’eg yahay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post