894 Views

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay shaqaaqadii ka dhacday Garoonka Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay shaqaaqadii ka dhacday Garoonka Hargeysa
____________________________________________________________________________


FMuqdisho | QOL | November14, 2020 –Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay garoonka kubbadda cagta ee Hargeysa Istaadiyam oo ay si habmsi leh uga socdaan ciyaaraha gobollada Somaliland iyo xarumo kale oo ay dawladdu leedahay, kuwaas oo uu u kuur-galay hannnaanka ay shaqada qaranka ee  maalinlaha ahi uga socoto.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in ciyaaraha gobollada ee haatan  ka socdaa ay  Somaliland usoo jiideen sumcad, islamarkaana ay muujisay awoodda xirfadeed ee ciyaaryahannada Somaliland leeyihiin.

Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey inay ciyaaruhu si nabad ah u socdaan, isagoo ammaanay ciidamada ammaanka ee amniga dhawraya, “Qaranka, dadweynaha Hargeysa deggen, ciyaartowda  iyo madaxda ciidamada waxan leeyahay waa nabad ciyaaruhuna nabad bay ku soconayaan, waynu ku filanahay, ciidamadana waan ku ammaanayaa dulqaadka iyo siday u shaqeeyeen,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu u duceeyey dhammaanba ciidamadii iyo  taageerayaashii kala duwanaa ee ku waxyeelloobay shaqaaqadii ka dhacday ciyaartii shalay dhexmartay gobollada Hawd iyo Daad-madheedh, waxana uu dhallinyarada ku waaniyey inay shucuurtooda kaantaroolaan xilliyada ciyaaruhu socdaan, isaga oo warbaahintana uga digay inay baahiyaan inay warar fidno iyo amni-darro abuuri kara gaadhsiiyaan dhegaha dadweynaha.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post