1032 Views

Xabad joojin la kala dhex-dhigay maleeshiyaad ku dagaalamay degaano ka tirsan Puntland

Xabad joojin la kala dhex-dhigay maleeshiyaad ku dagaalamay degaano ka tirsan Puntland
____________________________________________________________________________

j Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefdiga uu hogaaminayey oo ku sugan deegaanka Saax-meygaag, ayaa wada dadaal ay  ku bixinayaan nabadeynta beelo walaalo ah oo halkaasi ku diriray.

Mas’uuliyiinta ayaa waxaa ay ki guuleyseen in la sameeyo xabad joojin kadibna loo gudbo Shirka nabadeynta ee lagu dhex dhexaadinayo Beelaha dirirtu dhexmartay.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa hoggaamin doona Shirka nabadeynta ah oo berito dhici doona, kaasi oo ay kawada qeybgeli doonaan dhammaan Isimada iyo Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post