660 Views

Dalalka Khaliijka oo dhowr qodob ku heshiiyey

Dalalka Khaliijka oo dhowr qodob ku heshiiyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 06, 2021–Dowladaha khaliijka ayaa heshiis ku gaaray in ay u midoobaan difaaca Amniga dalalkooda iyo inay ka gudbaan khilaafka dhexdooda yiilay.

Arrintan ayaa timid ka dib markii shirka 41-aad ee dowladaha khaliijka uu ka dhacay dalka Sacuudi Carabiya ay ku gaareen heshiiskaas oo dhowr qodob ka kooban.

Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb galay Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani, taasi oo aheyd markii ugu horreysay ee uu dalkaas tago tan iyo markii labada dal ay is-khilaafeen sanadii 2017.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post