1668 Views

Sawiro:-Rw Khayre Oo Dar-dar Galinaya Doorka Dhalinyarada Ee Ay Kuleeyihiin Dawladan !!!

Sawiro:-Rw Khayre Oo Dar-dar Galinaya Doorka Dhalinyarada Ee Ay Kuleeyihiin Dawladan !!!
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 11 2019 —Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo ku sugan degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa waxaa xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Garoonka Paskid Polka Degmada Xudur.

 

Munaasabada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa,xubnaha ka mid ah wafdiga Ra’iisul Wasaaraha,Madaxweynaha Koonfru Galbeed,,Mas’uuliyiinta Maamulada degmooyin ka tirsan Gobolka Bakool,Ciyaartoyda degmadaas iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

 

Raisul Wasaaraha Somaaliya  Xasan Cali kheyre ayaa Shacabka Reer Xudur ku amaanay sida Wanaagsan ee ay uga Shaqeyeen Ammaanka ,waxaana uu tilaamay Degmada Xudur in laga fulin Doono Mashaariic Hormarineed Beesha Caalamka iyo Dowladda Soomaaliya ay iska kaashan Doonaan,isaga oo lacag dhan 150 kun oo Dollar ugu Deeqay Maamulka Sportska Degmada Xudur kaasi oo Dib u dayactir loogu Samaynayo Garoonka kubadda Cagta Dr Waaberi ee Degmadaasi Xudur.

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Shacabka Degmada Xudur ku Amaanay sida Marwaliba ay ugu Hogaansan yihiin Jacaylka Nidaamka Dowladeed,waxaana uu sheegey in Degmada Xudur ay noqon Doonto Degmada Ugu Fiican Koonfur Galbeed.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment