558 Views

Somalia oo Warbixin la xiriirta Abaaraha horgeysay Shirka Jaamacadda Carabta

Somalia oo Warbixin la xiriirta Abaaraha horgeysay Shirka Jaamacadda Carabta
____________________________________________________________________________

Shirka wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waddamada Jaamacadda Carabta ayaa waxaa uu ka socda magaalada Riyadh ee xarunta Dalka Boqortooyadda Sacuudiga.

Fadhiga 41aad , waxaa ka qaybgalaya Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif , iyadoo diiradda la saarayo Horumarinta Bulshada , xaaladaha dega-degga ah iyo saamaynta caabuqa COVID-19.

Soomaaliya ayaa fadhigan horgaysay caqabadaha ay wajahayaan Bulshada Soomaaliyeed , xilli ay socdaan dadaallada ka hortagga COVID-19 , in hadda saamaynta abaarta inay uga dartay Bulshada reer miyiga ah iyo kuwa ka fog magaalooyinka, waxaana Dawladda ay u aqoonsatay xaaladahaa kuwa deg deg ah.

“ Jaamacadda Carabta iyo Dawladda Sacuudiga oo shirka martigalisay waxa aan kala hadalnay sida taageerro loola gaari lahaa Dadka ay saamaysay abaarta, taa ah oo ah marxaladda ugu daran ee Dalka uu xilligan wajahayo.. Dawladda Soomaaliya arrimahan dadaal muuqda ay ku wajahday, balse waxaa wali loo baahanyahay kaalmo dheeraad ah.” ayuu yiri wasiir Cabdiwahaab.

Wasiirka , wuxuu sheegay in sidoo kale uu la kulmay qaar ka mid ah wasiirrada Jaamacadda Carabta oo ay ugu horreeyaan Sacuudiga, Qatar, Ciraaq, Masar, Kuwait, Jabuuti , Bahrain iyo Lebanon , wuxuuna sheegay dhammaantooda inay muujiyeen sida ay uga go’antahay taageerrada iyo garab istaaga shacabka Soomaaliyeed.

Shirka ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo Khamiista Maanta ah, iyada oo la soo bandhigayo baaq rasmi ah oo ku aaddan xaaladaha deg-deg ah ee ay wajahayaan waddamada Jaamacadda Carabta.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post