702 Views

Ethiopia oo hay’addaha ka Howlgala Tigray ku eedaysay in Hub u Gudbiyaan Maleeshiyaadka Tigray

Ethiopia oo  hay’addaha ka Howlgala Tigray ku eedaysay in  Hub u Gudbiyaan Maleeshiyaadka Tigray
____________________________________________________________________________

June 14 2021

Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia, Demeke Mekonnen ayaa eedeyn culus u jeedisay hay’addaha gargaarka bini’aadanimo, gaar ahaan kuwa ka howl-gala gobolka Tigray, xili ay taagan tahay saameyntii ka dhalatay dagaalkii gobolkaas.

Demeke Mekonne ayaa sheegay in hay’addahaas ay isku dayayaan inay hub si sharci darro ah ku geliyaan gobolka Tigray, ayaga oo ku mar-marsiiyoonayo gargaar bini’aadanimo, sida uu hadalka u dhigay.

“Ethiopia waxay heysaa caddeymo muujinaya inay isku dayayeen in hub si sharci darro ah ay ku siiyaan kooxaha argagixisada ah iyagoo ku mar-marsiiyoonayo gargaar bini’aadanimo, arrintaasina lama aqbali doono,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in Ethiopia ay ka walaacsan tahay olole ka dhan ah sida ay ula tacaaleyso xaaladda gobolka Tigray, isagoona ugu baaqay shakhsiyaadka iyo saaxiibada beesha caalamka inay faraha kala baxaan arrimaha gudaha Ethiopia.

Ad by Valueimpression

“Waa wax aad looga walaaco in qaar kamid ah xubnaha beesha caalamka ay bilaabeen olole ay ku wiiqayaan midnimada, madaxbanaanida iyo isku duubnimada iyagoo ku marmarsiinyo ka dhiganayo inay wadaan gargaar banii’aadanimo”

Ugu dambeyntiina waxa uu wasiirku sheegay in Ethiopia ay ka go’antahay inay la shaqeyso beesha caalamka si wax looga qabto dhibaatada bini’aadanimo ee ka taagan Tigray, balse aysan qaadan karin faro gelin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post