405 Views

Ciidamada Xoogga Dalka Oo Tuulooyin Hoostaga Janaale Ka Sifeeyay alshabaab

Ciidamada Xoogga Dalka Oo Tuulooyin Hoostaga Janaale Ka Sifeeyay alshabaab
____________________________________________________________________________

Axad: AUGUST 28, 2022

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururada 83-aad iyo 84-aad, guutada 14October ee Xoogga dalka iyo kuwa ATMIS qeybtooda Janaale ayaa howlgallo culus Argagixisada Shabaab uga saaray tuulooyinka Cabananey. Beeraha baay. Siigaale. Malable iyo Buulo aruundi oo dhamaantood hoostaga Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada waxaa ay jab Xooggan gaarsiiyeen Maleeshiyaadkii ku dhuumaaleysanayay tuulooyinka ay cagta mariyeen, sidoo kale waxaa ay gubeen doon ay Argagixisada u adeegsan-jirtay dhibaateynta shacabka labada dhinac ee wabiga kala daggan oo ay uga kala gudbi jireen.

Taliyaha Ururka 84-aad, guutada 14October Laba xidigle Cali Mahdi Beerdiide oo Howlgalka hogaaminayay waxaa uu Radio Muqdisho uxaqiijiyay howlgalka intuu socday inay ku guuleysteen soo saarista Miinooyin ay Nabad-diidka ku Aaseen waddo isku xirta deegaanada Buufow Bacaad iyo Janaale oo ay doonayeen inay shacabka masaakiinta ah ku gumaadaan.

Geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa ay goor kasta utaaganyihiin badbaadinta Shacabkooda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post