1104 Views

Guddiga diyaarinta sharciga doorashooyinka oo la kulmay Wasiirada Amniga & Gaashaandhigga

Guddiga diyaarinta sharciga doorashooyinka oo la kulmay Wasiirada Amniga & Gaashaandhigga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October16–2019 —Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa maanta kulan kula yeeshay xarrunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhigga Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale iyo Xasan Cali Maxamed Amar-dambe.

Ajendaha kulanka uu guddiga la yeeshay wasiiradda ayaa ahaa doorka ay ka qaadan karaan sugida doorashada ka dhici doonta dalka sanadka 2021-Ka.

Wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhiga Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale iyo Xasan Cali Maxamed Amardambe ayaa guddiga uga warbixay qaabka ay u sugi karaan ammaanka goobaha ay doorashada dalka ka dhici doonta 2021-ka.

Guddoomiyaha guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji {Eng.Carab} ayaa kaga mahad celiyay wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhigga sida wanaagsan oo ay ugu sharaxeen guddiga sida ay ugu diyaar garoobayaan suggida ammaanka koobaha ay ka dhici doonto doorashada dalka ee sanadka 2021-ka.

Guddiga ayaa waday kulamo uu la qaadanayo cid walba oo ay qusayso sharciga doorashooyinka qaranka tan iyo markii la magacaabay.

kulanka uu guddigga la yeeshay wasiiradda Amniga Iyo Gaashaandhigga ayaa ugu dambeeyntii kusoo gabagaboobay jawi wanaagsan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment