930 Views

Itoobiya oo lagu xiray Mas’uuliyiinta OLF

Itoobiya oo lagu xiray Mas’uuliyiinta OLF
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 07  2020–Ciidammada amniga ee Itoobiya ayaa xabsiga u taxaabay shan sarkaal oo sar-sare oo ka tirsan jabhadda Oromada ee OLF oo haatan ah xisbi mucaarad ah, sida laga soo xigtay OLF.

Ururka Oromo Liberation Front (OLF) wuxuu sheegay in siyaasiyiinta ay haatan ku xiran yihiin magaalada Addis Ababa.

Guddoomiyaha OLF wuxuu sheegay in aanan war laga heyn halka loo kaxeystay saraakiisha.

Itoobiya waxaa dhawaan ka dhacay dibadbaxyo rabshado watay oo looga soo horjeeday dilkii fanaanka caanka ahaa ee Hachalu Hundessa.

Waxaana rabshadahaas ku dhintay in ka badan 160 qof.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post