1224 Views

SAWIRO:-Kheyre oo bilaabay xalinta Beelo Saddex Sano dagaalamayay

SAWIRO:-Kheyre oo bilaabay xalinta Beelo Saddex Sano dagaalamayay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 04, 2019 —Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay odayaal iyo wax-garad ka socda deegaannada Huurshe iyo Xeraale oo muda seddax sano ah ay u dhexeysay colaad dhiig badan uu ku daatay.

 

Kulanka oo goob joog ay ka ahaayeen xildhibaannada deegaannadaas ku metela dowladda dhexe, ayaa qayb ka ahaa dhammeystirka dadaallo uu Ra’iisul Wasaaruhu soo billaabay dhammaadkii bishii June ee sannadkaan oo socdaal uu ku tegay Huurshe iyo Xeraale uuna labada dhinac kala hadlay soo af-jaridda codaalla iyo furidda bog cusub oo nabadeed.

 

Odayaasha labada dhinac ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay dadaalka hagar la’aaneed, waxa ayna ballan qaadeen in ay ka shaqeynayaan nabadda, wada noolaanshaha, horumarinta deeganka iyo bulsha si loo helo mustaqbal wanaagsan oo ka madax bannaan colaado iyo rabshado dib u sii dhiga horumarka ay ummaadda Soomaaliyeed hiigsaneyso.

 

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa odayaasha Huurshe iyo Xeraale u ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay ku garab taagantahay ka mira dhalinta dadaallada nabadda iyo horumarka iygana laga doonayo in ay dowrkooda nabaddoonnimo qaataan oo daacad ka noqdaan dhismaha Mustaqbalka dadka iyo deegaanka, wixii horay u dhacayna laga barto casharro qayb ka qaadanaya wadajirka iyo isdhex galka bulshada.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment