513 Views

Madaxweynayaashi hore ee Mareykanka ee nool oo qaddarin u muujiyey Amiir Philipkii geeriyooday ee dalka UK .

Madaxweynayaashi hore ee Mareykanka ee nool oo  qaddarin u muujiyey Amiir Philipkii geeriyooday ee dalka UK .
____________________________________________________________________________

April 11-4-2021

Madaxweynayaashi hore ee Mareykanka ee nool ayaa qaddarin u muujiyey Amiir Philip ee dalka UK oo Jimcihi geeriyooday isaga oo ay da’diisu ahayd 99 jir.

Madaxweynaha hadda xilka haya ee Joe Biden oo bayaan soo saray wuxuu sheegay Amiirka Edinburgh “Inuu noolashiisa oo dhan uu u huray u adeegidda dalka UK”.

Inta uu Amiirku noolaa waxaa la doortay ku dhawaad 18 madaxweyne. Boqoradda Elizabeth II waxay la kulantay 12 madaxweyne inta ay boqornimada haysay, iyada oo marwalbana seygeeda uu la socday.

Joe Biden

 

Mr Biden oo ka hadlayey aqlalka cad, wuxuu Amiirka ku tilmaamay inuu ahaa “nin aad u wanaagsan”.

Noolashiisa oo dhan wuxuu u huray u adeegidda UK iyo waddamada barwaaqa sooranka idilkood sida qofka walba u muuqata, waqti dheer iyo muddo dheer,” ayuu yiri.

“Waxaan u maleynayaa qof weyn inuu naga baxay, gaar ahaanna UK. 99 jirkaasi weligii aan howshiisa ka gaabinin. Taas Ayaan anigu u bogay” ayuu yiri.

Mr Biden ayaa lagu soo warramayaa inuu Boqoradda uu bisha June kula kulmo qasriga Buckingham.

Jimcihina, Xoghayaha arrimaha saxaafadda ee aqalka cad Jen Psaki waxay sheegtay inaan weli la go’aaminin madaxweynaha inuu ka qayb galayo aaska Amiirka.

Isaga iyo xaaskiisa marwada koobaad Jill Biden waxay sida oo kale soo saareen bayaan ay ku sheegeen Amiir Philip “Tobanaan sano inuu bulshada u adeegayey”.

Amiirka dhaxalkiisa “waxay ka muuqataa dadaalladi mudnaa uu u galay u ololeynta deegaanka, xubnaha ciidamada qalabka sida uu taageeray, dhalinyarada uu dhiirrageliyey iyo waxyaabo kale” ayey labada lammane ku qoreen bayaankooda ay ku maamuusayeen Amiir Philip.

Donald Trump

 

Donald Trump, oo ah madaxweynaha ugu dambeeyey ee booqday qoyska boqortooyada sanadkii 2019-kii wuxuu Amiir Philip uu ku tilmaamay “nin astaan u ahaa maskax sharf leh iyo ruux ay ku faani karto boqortooyada UK iyo waddamada Barwaaqa sooranka intaba”.

Geerida Amiir Philip wuxuu ku tilmaamay “Garab aad u weyn oo wax u baddalaa jirin Britain iyo kuwa qaddariya ilbaxnimadeenna”.

“Amiir Philip wuxuu ahaa nin muujiyey sharafta iyo ciziga Britain,” ayuu yiri. “Wuxuuna shaqsiyan asteeyey keydka xasiloonida, adkeysi iyo inaan meel looga dhicin sharafta UK.”

Wuxuuna intaasi ku daray: “Dhowrki sano ee la soo dhaafay, aniga iyo Melina waxaan fursad u helnay inaan booqanno UK.”

“Waxa ugu horreeya oo aan aragnay waxay ahayd sida ay boqortooyada u wanaajineyso shacabka Britain, mana jirta cidna ma sameyneyso wax ka badan inta uu sameeyey Amiir Philip.”

Barack Obama

 

Barack Obama iyo xaaskiisa Michelle waxay sheegeen Amiir Philip iyo Boqarradda “in ka badan nus qarni ay caalamka ka muuqdeen”.

“Annaga oo ah laba qof oo Mareykanka u dhashay oo aan u baranin qasriyada iyo sida qofka loo weyneeyo, ma garaneyno waxa laga filan karo. Ma aha inaan welwelno” ayey yirahdeen.

Boqoradda iyo Amiir Philip waxay na dajiyeen meel u dhiganta maamuuskooda iyo deeqsinamadooda, iyaga oo xaflad raaxo lehna noo dhigay taasoo iyaga u dabeecad ah. Amiir Philip gaar ahaan wuxuu ahaa mid naxriis badan oo dhiirran, oo ay xikmado ka soo burqanayaan iyo kaftan wanaagsan oo aan dhammaanayn. Waxayna ii ahayd marki ugu horreysay oo aan barto ninka magaca iyo maamuska weyn leh, sanadihi u dambeeyeyna waxaa sii kordhay jaceylka aan isaga u qabno.”

Booqashadi uu Obaama 2016-kii Amiir Philip oo ay dadiisu ahayd 94 jir uu kula kulmay wuxuu hadimo qado uu ugu sameeyey Windsor Castle.

Obaamaana wuxuu sheegay “Qof ay u xiisi doonaan iney waayeen”.

George W Bush

Gerorge W Bush wuxuu Amiirka ku ammaanay adeegga hufan uu bulshada UK uu soo qabtay.

“Noolashiisi dheereyd ee xusidda mudneyd, wuxuu wakhtigiisa u soo huray sidi uu dadka kale saameyn ugu yeelan lahaa. UK wuxuu ku soo matalay sharaf iyo adeeg adadeyg ku dheehan oo aan xad lahayn si gobanimada u garab ugu noqdo,” ayuu yiri. Wuxuuna intaa ku daray isaga iyo xaaskiisa Laura “iney nasiib u heleen iney soo jidashadiisa kartidiidsa hoggaamineed ay soo arkaan, waana ognahay in la tabi doono”.

Bill Clinton

Bill Clinton iyo xoghayihi hore ee arrimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton waxay sheegeen iney ka mid yihiin dadka “caalamka mahadnaqa uga soo diraya Amiirka geeriyooday adeegga hufan uu noolashiisa u huray”.

Bayaan ay labada lammaane soo saareen waxay ku sheegeen Amiir Philip iyo Boqoradda iney marar badan la kulmeen sanada dhowr ah.

“Waan ku faraxsaneen fursad kasta oo aan u helno inaan isaga kula kulanno si aad ah Ayaan ugu farxeynay deeqsinimada uu noo muujiyey awgood.” ayuu yiri Jimmy Carter.

Madaxweynaha ugu da’da weyn ee Mareykanka oo nool Jimmy Carter sanadki 1977-kii wuxuu la casheeyey Amiir Philip iyo Boqoradda.

Qoraal la soo dhigay Tweeter-ka madaxweynaha ay da’diisu tahay 96 jir waxaa lagu qoray sidan: “Waan ka xunnahay inaan maqalno inuu geeiyooday Amiir Philip ee Edinburgh.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post