1218 Views

Jubbaland oo u jawaabtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya

Jubbaland oo u jawaabtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 26, 2019 —Wasaarada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Jubbaland waxa ay cadeysay in Dowlad goboleedka Jubbaland ay u madax banaan tahay qabashada Doorashooyinkeeda ayna masuul ka yihiin Gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka ee Jubbaland.

 

Sidoo kale Wasaarada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Jubbaland waxay cadeynaysaa in liiska odayaasha dhaqanka ee ay soo saareen gudiga xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland uu yahay kan rasmiga ah ee u diiwaan gashan Wasaarada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Jubbaland.

 

 

 

Jubbaland waxay hoosta ka xariiqdey inaysan Wasaarada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Dowlada federaalku aysan wax shaqo ah ku laheyn doorashooyinka Jubbaland.

 

War saxaafadeedkan ayaa jawaab u ah waraaq ay shaley soo saartey wasaarada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta ee DFS.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment