876 Views

Kooxo burcad ah oo Wiil soomaaliyeed ku dilay Koofur Africa

Kooxo burcad ah  oo Wiil soomaaliyeed ku dilay Koofur Africa
____________________________________________________________________________

2da Maarso, 2021

Wararka ka imaanaya  Koofur Africa ayaa sheegaya in koox burcad ah xalay goobtiisa ganacsi ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Axmed Abuukar Xaaji.

Koox burcad ayaa la sheegay in  ganacsanaha Soomaaliyeed dhowr xabadood ay uga dhufteen qeybaha sare ee jirka, halkaasna uu ku geeriyooday, iyagaoo markiiba goobta ka baxsaday.

Waxaa markii danbe goobta uu falku ka dhacay tagay ciidamada Booliiska dalka Koofur Africa kuwaa oo sameeyay baaritaanno la xiriira dilka iyo cidda geystay, laakiin ma jirto cid ay u qabteen Booliiska falka dilka ah.

Koofur Africa ayaa lagu bartilmaameedsadaa ganacsatada Soomaaliyeed iyadoo ilaa iyo hadda aysan jirin dowlad iyo cid kale oo arintaa wax ka qabta.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post