1062 Views

Mareykanka oo cunaqabateyn kusoo rogay saraakiil Shiinees ah

Mareykanka oo cunaqabateyn kusoo rogay saraakiil Shiinees ah
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 10  2020–Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in cunaqabateyn uu kusoo rogay saraakiil kasoo jeedda Shiinaha oo uu ku eedeeyay in tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ay u geysteen muslimiinta ku nool gobolka Xinjiang ee Shiinaha.

Waxaana saraakiishan ka mid ah hoggaamiyaha xisbiga Shuuciga ee gobolka Xinjiang, Chen Quan Guo iyo saddex sarkaal oo kale.

Waa sarkaalkii ugu horreeyay oo Shiinees ah oo uu Mareykanka cunqabateyn kusoo rogo.

Xaaladda Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Uighurs ayaa sanadihii dambe laga deyrinayay, kadib markii lasoo wariyay in dhibaato joogta ah ay kala kulmaan xukuumadda Shiinaha.

Shiinaha wuxuu beeniyay in wax dhibaato ah uu ku hayo muslimiinta ku nool gobolkaas.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post