1272 Views

Wararkii ugu dambeeyay qaraxa ka dhacay Magaaalada Muqdisho

Wararkii ugu dambeeyay qaraxa ka dhacay Magaaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 03, 2021–Qof la sheegay in uu isku sooxiray waxyaabaha qaraxa ayaa isku qarxiyay Maqaaxo dadka ay ku shaahaamn oo ku taal Saddexda Geed oo u dhow Xarunta degmada Shangaani & Xarunta Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha ee Gobolka Banaadir, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwna

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa la sheegay in  uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay, kaas oo gaaray dad maqaaxida ku shaaheeynayay.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyada oo dadkii ku dhaawacmay loo qaaday qaar kamid ah Isbitaalada Magalada Muqdisho si loogu daweeyo.

Laamaha Ammanka dowladda Soomaaliya weli kama hadlin qaraxaas, hayeeshee waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay fah fahin ka bixiyaan sida uu qaraxa u dhacay iyo qasaaraha ka dhashay.

Qaraxan ayaa iimaanaya iyadoo uu soo xirmay sirkii hordhaca ahaa ee ay lahaayeen madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo maanta ka dhacay Afisyoone.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post