840 Views

Maraykanka oo taageeray cambaareyntii golaha amniga Midowga Afrika u jeediyey muddo kororsiga madaxda Somalia.

Maraykanka oo taageeray cambaareyntii golaha amniga Midowga Afrika u jeediyey muddo kororsiga madaxda Somalia.
____________________________________________________________________________



April 22-2021


Maraykanka ayaa taageeray cambaareyntii uu golaha nabada iyo amniga Midowga Afrika u jeediyey muddo kororsiga madaxda dowlada Somalia.

Qoraal caawa kasoo baxay Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu soo dhoweeyay dhexdhexaadinta Midowga Afrika, iyadoo madaxda Soomaalida loogu baaqay inay heshiis deg dega ka gaaraan Doorashada.

“Waxaan taageersannahay go’aankii Golaha Nabada iyo Amniga ee Midowga Afrika ee lagu cambaareeyay muddo kordhinta ay u sbuucii hore ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya. Waan soo dhaweynaynaa dhexdhexaadinta Midowga Afrika” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Qeybta Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Maraykanka ayaa ku boorriyay madaxda Soomaaliya inay si degdeg ah iskugu raacaan wadahadal iyo qorshe lagu xallinayo xiisadda ka dhalatay doorashada iyo muddo kororsiga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post