1791 Views

RW Kheyre “Waxaa Jira Dad Marwalba Dalkaan Ku Sheega Mid Ay Ka Jirto Dhibaato Amnidarro”

RW Kheyre “Waxaa Jira Dad Marwalba Dalkaan Ku Sheega Mid Ay Ka Jirto Dhibaato Amnidarro”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 21, 2018 –Ra’iisul Wasaaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo xalay dalka Norwey kula kulmay qaar ka mid ah ardayda waxka barata dalkaas iyo jaaliyada Soomaaliyeed ayaa cadeeyey in dalka soomaaliya dhinac walba laga dareemayo isbedel.

Waxa uu dhalinyaradii ka qeyb galeysay kulanka u sheegay in mar walba laga dhaadhiciyo dadka dalka dibadiisa ku nool in dalkooda u yahay mid ay ka jirto dhibaato amni.

Waxaa rabaa in aan ogaano in mar walba laga hadlo dalkeena in loo yaqaano dalkii qaraxyada,dalkii burcad badeeda,dalkii dhibaatooyinka,waxaa isweeydiin mudan taariikh nooce ah ayuu leeyahay dalkeena,mashabaab iyo burcad badeed ayay taariikdeenu tahay,laakin anagu waxan nahay dad doonaya in ay ka gudbaan waxa lagu sheegay ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kheyre.

Sikastaba tiro dhowr jeer ayaa Ra’iisul Wasaare kheyre waxa uu sheegay in ay jiraan Siyaasiyiin Shacabka soomaaliyed ee dalka dibadiisa ku maqan ka dhaadhicinaya in dalkooda ay ka jirto dhibaato amni,kuwaasna loo baahan yahay in aan la dhageysan.

 

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment