2025 Views

Faysal Waare” Muuse Biixi ma joojin karo wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya”

Faysal Waare” Muuse Biixi ma joojin karo wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya”
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | November 22, 2018 Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka Somaliland ee UCID  ayaa maanta ka hadlay hadalkii Muuse Biixi uu ka sheegay Burco ee ahaa in la joojiyay wada hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale  sheegay in Muuse Biixi uusan joojin karin wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya,waxaana uu sheegay in wada hadallo ay sii socon doonaan tan iyo inta labadda dal ay kala baxayaan.

Faysal ayaa waxaa uu tilmaamay in hadalkii Muuse Biixi uu ahaa Mid Caadifad ah, islamarkaana ay haboon tahay in Soomaaliya iyo Somaliland ay iskaashaddaan.

“Wadanka lagu wadimaayo caadifad ,haddaad dadka la tashan weydo waa lagaa tashanayaa Madaxweyne, wada hadaladuna go’aan qaran ayuu ahaaye mu ahayn mid qofeed, wuxuuna ku bilaabmay talo qaran oo golayaasha sharci dajintu ay ogolaadeen” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Magaalada Burco kaga dhawaaqay in guud ahaan Somaliland ay joojisay wada hadalladdii dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo Somaliland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment