864 Views

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaala Xeebeedka Cadale

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi uu hogaaminayo oo  gaaray magaala  Xeebeedka Cadale
____________________________________________________________________________

Arbaco: july 21 2021

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Xeebeedka taariikhiga ah ee Cadale.

Madaxweynaha iyo wafdiga balaaran ee uu hogaaminayo ayaa isugu jiraan Wasiiro iyo Xildhibaano heer federaal, xubno labada gole ee Dowlada Hirshabeelle Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Saraakiil iyo Marti sharafta kale waxaa si wayn u soo dhoweeyay bulshada iyo Maamulka Degmada Cadale.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo degmada cadale waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada Cadale.

Lama oga ujeedada safarka Cali Guudlaawe ku tagay degmada Cadale, balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu la xiriiro xalinta khilaafaad u dhexeeya beelaha degaanka oo halkaas ka taagnaa mudooyinkan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post