1110 Views

Taliyaha Ciidanka Booliska Saldhigga Dagmada Howlwadaag Najiib Carab oo ka hadlay Qaraxii caawa ka dhacay Carwa Idko

Taliyaha Ciidanka Booliska Saldhigga Dagmada Howlwadaag Najiib Carab oo ka hadlay Qaraxii caawa ka dhacay  Carwa Idko
____________________________________________________________________________

Sabti: January 1, 2022

Hal Qof ayaa ku geeriyooday 2 kalana waa ay ku dhaawacmeen Qarax Gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Gaariga qarxay oo ahaa kuwa raaxada oo uu noociisu yahay Hariyar,  ayaa ku qarxay meel u dhaw Isgoyska Baar Ubax ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska Saldhigga Dagmada Howlwadaag Najiib Cabdi Abiib Najiib Carab oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in gaariga uu xoog ku soo dhaafay Koontaroolka Ciidanka ee Isgoyska Carwa Idko,  kadibna uu qarxay iyadoo ay ciidamadu ceyrsanayaan.

Taliyaha ayaa xaqiijiyay in qofkii waday oo kaliya uu ku naf-waayay qaraxa gaarigan.

Ciidamada Amniga ayaa xoojiyay sugidda ammaanka gobolka Banaadir, iyadoo saraakiisha hogaamisa ciidamada qalabka sida ay ciidamada amar ku siiyeen in ay waqtigooda ku bixiyaan sugidda amniga Guud ee dalka., gaar ahaan tan Caasimadda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post