69 Views

Sheekh Shaakir” Fikirka Khawaarijka ah waa in Fikir laga horgeeyo, waxaana xambaarsan culumada

Sheekh Shaakir” Fikirka Khawaarijka ah waa in Fikir laga horgeeyo, waxaana xambaarsan culumada
____________________________________________________________________________

Muqdisho — Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ka hadlay dardar gelinta dagaalka ka dhan ah Khawaarijta iyo xoreynta deegaannada ay ka joogaan dalka, wuxuuna sheegay in fikirka Khawaarijta fikir laga horgeeyo.

‘’Fikirkaas wuxuu u baahan yahay fikir laga horgeeyo, xaqiiq dhabta ah marka la yiraahdana dadka xambaarsan fikirkii laga horgeyn lahaa waa culumada, iyagaa xambaarsan iyagaa suulin kara, culumada laga rabaa in ay u istaagto ummadda in ay ka suuliso wixii ay iftootay in ay baadil yihiin, Dowladda iyo shacabkuna ku gacan siiyaan,’’ ayuu yiri Shee Shaakir.

Sidoo kale, Sheekh Maxamed Shaakir oo hadalkiisi sii wata ayaa ku bogaadiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud sida ay uga go’aan tahay dagaalka Khawaarijta iyo in laga ciribtiro guud ahaan dalka.

‘’Aniga waan arkay madaxweynaha oo telefishinada ka muuqdo oo furimaha taagan oo timihii ku baxeen, laakiin wasiiro iyo xildhibaano ay timihii ku baxeen ma aanan arkin, Dowladda dagaalku ku jirtaa, nimankaana in la iska qabto weeye,’’.

Ugu dambeyn, Sheekha ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo guud ahaan  shacabka Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii dalka looga sifeyn lahaa Khawaarijta oo khatar ku ah jiritaanka dadka iyo dalkeenna, wuxuuna hadalkan ka jeediyay kulan ay Muqdisho ku qabtay xarunta Tubsan oo looga hadlayay fikirka xagjirka iyo sidii lagu baabi’in lahaa.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post