2157 Views

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo magacaabay Xilal Cusub

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo magacaabay Xilal Cusub
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 26, 2018 –  Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu hal mar Maanta magacaabay Xoghayaha Joogtada Wasaaradda iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda ayuu u magacaabay C/qaadir Axmed Warsame in uu noqdo kaasi oo horey u ahaa Agaasimaha Wasaaradda halka Agaasimaha guud ee Wasaaradda uu u magacaabay Asad Yuusuf Afrax,oo ahaa la taliyihiisa.

Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Jamaal ayaa sameeyay Magacaabistii ugu horreysay tan iyo Markii uu xilka qabtay.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment