624 Views

Maamulka Puntland oo eedeymo hor leh u jeediyay Ciidamada PSF

Maamulka Puntland oo eedeymo hor leh u jeediyay Ciidamada PSF
____________________________________________________________________________

Duqa degmadda Bossaaso ee Maamulka Puntland ayaa uga digay Agaasimiha Ciidamadda PSF ee dhawaan uu xilka ka qaaday Madaxweynaha Puntland in uu xilka isku dhajiyo uguna baaqay in ku wareejiyo si deg deg ah agaasimaha Cusub.
Shir jaraa’id oo uu Warbaahinta ugu qabtay Magaalada Garoowe ayuu ku sheegay in Agaasimaha Cusub ee PSF uu Madaxweyne Deni ugu magacaabay sifo sharci ah, balse Agaasimaha xilka laga qaaday  ee Maxamuud Cismaan Diyaano uu diiday in uu xilka wareejiyo.

Waxaa ku eedeeyay Ciidamada PSF in xaafadaha ku dhow dhow Xaruntooda Magaalada Boosaaso dadka degan ay ku bilaabeen inay barakiciyaan, iyaga oo u sheegaya inay weerar kusoo yihiin Ciidamada Puntland, isla markaana ay qaxaan.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Duqa degmadda Bossaaso in aysan jirin wax dhibaato amni darro ah oo ka taagan Magaalada Boosaaso, wuxuuna uga digay Saraakiisha Ciidamada PSF inay joojiyaan khalqalinta amniga Magaalada.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post