357 Views

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Taliska ciidamada AFRICOM oo saddex weerar oo cirka ah ku qaaday argagixisada Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Taliska ciidamada AFRICOM oo  saddex weerar oo cirka ah ku qaaday argagixisada Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Arbaco: AUGUST 10, 2022

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa saddex weerar oo cirka ah ku qaaday argagixisada Al-Shabaab, duqeymahaas ayaa ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Qiimeynta hordhaca ah ee dowladda Soomaaliya iyo taliska AFRICOM ay ka soo saareen howladaas waxay cadeyneysaa in lagu dilay afar xubnood oo ka tirsanaa Nabadiidka Al-Shabaab, ma jiraan wax khasaare ah oo dad rayid ah ka soo gaaray duqeymahaas oo ciidamada Mareykanka ayaa loo fasaxay inay ka fuliyaan deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa qaaday tallaabooyin waaweyn, si looga hortago waxyeelo soo gaarta rayidka. Dadaaladani waxay ka duwan yihiin weerarrada aan loo meel dayin ee cadowga Al-Shabaab oo si joogto ah u dhibaateeya rayidka ah aan waxba galabsan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka waxaa ka go’an la dagaalanka Al-Shabaab, si looga hortago dhimashada dadka rayidka ah oo aan waxba galabsan. Ururada xagjirka ah ee rabshadaha, sida al-Shabaab waxay soo bandhigaan khataraha mustaqbalka fog ee Soomaalida, danaha gobolka iyo Maraykanka.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post