222 Views

Wasiir kuxigeenka warfaafinta oo sheegay in inta u dhaxeysa Aadan Yabaal iyo Mahadaay lagu dilay boqol ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab

Wasiir kuxigeenka warfaafinta oo sheegay in  inta u dhaxeysa Aadan Yabaal iyo Mahadaay lagu dilay boqol ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Sabti: NOVEMBER 26, 2022

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaalka ka dhacay inta u dhaxeysa Aadan Yabaal iyo Mahadaay lagu dilay boqol ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab oo 12 ka mid ah ay horgoogeyaal ahaayeen.

Warkaan ayaa waxaa weriyeyaasha Muqdisho u sheegay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaala oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha wasaaradda Warfaafinta ee Caasimadda Soomaaliya.

Al Cadaala, ayaa wuxuu carabka ku dhuftay in weerarka ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, hey’adda Nabad Sugidda, dadka deegaanka, iyo ciidamada ajnabiga ee ka hawl gala Soomaaliya.

Hawlgalka ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Ceel Dheere, ee kala qeybiyaha gobolada Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post