318 Views

Madaxwaynaha Deni oo Xariga Ka Jaray Waddooyin Laami Ah oo Laga Hirgeliyay Garoowe

Madaxwaynaha Deni oo Xariga Ka Jaray Waddooyin Laami Ah oo Laga Hirgeliyay Garoowe
____________________________________________________________________________

Talaado: august 2, 2022

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shalay ahayd  1-da August, oo loo dabaaldegayo sanad guuradii 24-aad ee aasaaska Puntland, wuxuu Garoowe ka daah-furay 4 mashruuc oo isugu jira Wadooyin Laamiyo ah iyo qorsheyaasha Cagaarinta, Iftiiminta iyo nashaqdeynta magaalada.

Mashaariicda lagu horumarinayo Caasimadda ee saaka Madaxweyaha Puntland daah-furay ayaa kala ah :-

* Xarig jarka Waddada laamiga ee cusub ee  jidka 30ka oo si casri ah loo dhisay.

* Dhaggax dhigga dayactir lagu sameynayo qeybtii hore u dhisneyd Waddada jidka 30-ka.

* Mashruuca cagaarinta iyo iftiiminta magaalada.

* Qorshaha nashqadeynta magaalada

Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee socota, wuxuuna muujiyay in Dowladdu ay wakhti badan iyo dadaal gelisay, ayna ka go’antahay dhismeyaasha Waddooyinka iyo horumarinta adeegyada Bulshada loo hayo.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post