300 Views

Maleeshiyaadka TPLF oo aqbalay wadahadal nabadeed oo ay la gasho dowladda Itoobiya

Maleeshiyaadka TPLF oo aqbalay  wadahadal nabadeed oo ay la gasho dowladda Itoobiya
____________________________________________________________________________

Khamiis: OCTOBER 6, 2022

Jabhadda Xoreynta Tigray ee TPLF ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in madaxda Tirgay ay aqbaleen martiqaadka wadahadallada nabadeed ee uu ku baaqay Midowga Africa.

TPLF ayaa waxay waydiisteen Midowga Africa in la caddeeyo cidda lagu martiqaaday wadahadalladan, ka qaybgalayaasha, kormeerayaal iyo cidda dammaanad qaadi doonta, wixii kasoo baxa wadahadalladan.

Dowladda Itoobiya ayaa shalay dhinaceeda sheegtay inay si shuruud la’aan ah ku aqbashay dhex-dhexaadinta Midowga Afrika ee Itoobiya iyo TPLF, sida uu shaaciyay la-taliyaha Amniga Qaranka Redwan Hussein.

Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dowladda Itoobiya iyo xoogaga Tigreega ee iska soo horjeeda inay wadahadal nabadeed ku yeeshaan waddanka Koonfur Afrika dhammaadka toddobaadkan, kaas ujeeddadu tahay in lagu soo afjaro colaadda laba sano jirsatay, sida lagu sheegay warqad ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Warqaddan ayaa lagu sheegay in Olusegun Obasanjo oo ah wakiilka Midowga Afrika ee Geeska Afrika uu hoggaamin doono wadaxaajoodka isagoo taageero ka helaya madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koonfur Afrika Phumzile Mlambo-Ngcuka.

Reuters.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post