4797 Views

Ciidamada Galmudug oo la wareegay Caabudwaaq

____________________________________________________________________________

Mogadishu, 10 September 2015 downloadCiidamada Maamulka Galmudug ayaa la wareegay degmada Cabudwaaq kadib dagaalo socday muddo labo maalmood ah.

Ciidamada Ahlu Sunna oo hore u maamulayay degmada Cabudwaaq ,ayaa laga saaray magaalada iyadoo la sheegaya in ay ku isku urursanayaan duleedka magaalada.

Xaalada magaalada ayaa hada degan balse qoys badan oo ka barakacay magaalada, ayaan dib ugu soo laaban, waxana xiran ganacsiga iyo meelaha waxbarashada ee magaalada Cabudwaaq.

Waxaa la sheegayaa in dagaalka uu ka dhashay qasaare xoog leh oo soo gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah. Weli lama dhiabaata dadka soo gaartay inta ay la egtahay , balse wararka ayaa sheegaya in dad ku dhow labaatan qofood ay ku geeriyoodeen.

Dagaalka ayaa ku bilowday shalay magaalada Cabudwaaq kadib markii Ciidaman Ahlu-sunna ka tirsan ay isku dayeen in ay soo qabtaan Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Galmudug, balse ay difaaceen ilaalidi la socotay Wasiirka

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdiladiif Cabdulaahi Warsame ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay la wareegeen magaalada Cabudwaaq, hadana magaalada ay xasiloontahay.

__________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment