552 Views

NATO “ Adduunku wuxuu noqon doonaa meel aan ammaan ahayn, haddii Ruushku uu ku guulaysto Dagaalka Ukraine

NATO “ Adduunku wuxuu noqon doonaa meel aan ammaan ahayn, haddii Ruushku uu ku guulaysto Dagaalka Ukraine
____________________________________________________________________________

Talaado: June 28, 2022

Madaxa NATO ayaa ka digay in dunidu ay sii xumaan doonto haddii Ruushku uu ku guuleysto dagaalka Ukraine. Iyadoo isbahaysigu isugu yimid shir-madaxeed ka dhacay Spain, Jens Stoltenberg ayaa difaacay cunaqabataynta reer galbeedka ee ka dhanka ah Moscow, isaga oo ku tilmaamay in ay tahay qiimihii lagu bixin lahaa xorriyadda.

Madaxweyne Biden ayaa ka dib markii uu la kulmay martigeliyaha Isbaanishka, Ra’iisul wasaare Pedro Sanchez, waxa uu sheegay in NATO ay wajaheyso hanjabaado xooggan oo dhan walba ah, ayna bixin doonto jawaab xooggan.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in shir-madaxeedkan uu noqon doono kulan xasaasi ah oo wax badan ka baddali doona NATO, oo doonaysa in ay kordhiso xajmiga xoogga falcelinta degdega ah. Balse dadka dhaleeceeya ayaa su’aal ka keenay in reer galbeedku ay haystaan lacag, cudud iyo rabitaan ay ku meel marin karaan arrintan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post