912 Views

midowga musharraxiinta mucaaradka oo ku gacan Sayray G’aankii Xukumada ee ahaa joojinta Banaanbaxa Jimcaha

midowga musharraxiinta mucaaradka oo ku gacan Sayray G’aankii Xukumada ee ahaa joojinta Banaanbaxa Jimcaha
____________________________________________________________________________

February 24, /2/ 2021

 Xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa si weyn uga horyimid go’aankii kasoo baxay dowladda federaalka ha ee Soomaaliya ee lagu mamnuucay isku imaatinka dadka, si loo xakameeyo cudurka faafa ee Coronavirus.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiraxamaan Shakuur Warsame oo ka mid ah midowga musharraxiinta ayaa ku gacanseyray gabi ahaan go’aankii kasoo baxay dowladda.

Musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday in dibad-baxooda aysan u joojin doonin go’aanka dowladda ee lagu  mamnuucay isku imaatinka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in shalay dibad-bax lagu taageerayey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday uu ka dhacay Beledweyne, koodana uu la mid yahay midkaasi.

“Markii ay dowladdu go’aankan ku dhawaaqeysay maalintii shalay magaalada Beledweyne waxaa ka dhacayay dibadbax lagu taageerayay madaxweynaha xilhayntiisu dhamaatay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Muxuu yahay sharciga fasaxaya dibadbaxa madaxweynaha lagu taageerayo ee diidaya kan looga soo horjeedo.”ayuu yiri .

Hadalkan ayaa kusoo aadayao, iyada oo shalay dowladda Soomaaliya ay markale ku celisay in dadweynaha aysan isugu imaan karin hal goob, sidoo kalena aan dibad-bax lagu qaban karin magaalada Muqdisho, xilli Jimcaha ay qorsheynayaan xubnaha mucaaradka ah.



Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post