1053 Views

Al-shabaab oo sheegtay in la wareegtay deegaannada: War-ciise, Qoordheere Gobolda Sh.dhexe.

Al-shabaab oo sheegtay in  la wareegtay  deegaannada: War-ciise, Qoordheere Gobolda Sh.dhexe.
____________________________________________________________________________

June 5 2021

Wararka ka imaanaya saakay deegaannada: War-ciise, Qoordheere ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka alshabaab ay sheegteen in ay la wareegeen saakay aroor hore halkaas oo daraad laga saaray.

Warar ay faafiyeen Alshabaab ayey ku sheegteen in ciidamadii inay maleeshiyada Al-shabaab ay dib ula wareegeen deegaannada: War-ciise, Qoordheere iyo degaano kale ee udhow markii ay ka baxeen ciidamadii dowladda.

Ciidamada dowladda oo aad u heysan ayaa la sheegay in ay gareen degaanka Biyo-cadde oo ay saldhig weyn ku leeyihiin ciidamada Burundi ee ka tirsan AMISOM; Laakiin ma jiro wax war ah oo arrintan ay kasoo saareen Taliska ciidamada xoogga dalka iyo cid dhexdhexaad ah oo xaqiijisay.

Sidoo kale Degaanadan ayaa dhowaan looga qabsaday Alshabaab kadib howlgal ay qaadeen ciidamada dowladda, waxaana dagaal culus oo dhex maray labada dhinac lagu dilay saraakiil uu ka mid yahay taliyihii ururka 6-aad ee ciidamada gorgor Gaashaanle Maxamed C/wahaab Faarax, halka dowladda ay shaaciyay inay dagaalka ku dishay ilaa 70 dagaalame oo Alshabaab ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post