294 Views

Dagaal dhexmaray Ciidanka dalalka Kyrgyzstan iyo Tajikistan Tirada dhimashada iyo dhaawaca

Dagaal dhexmaray Ciidanka dalalka Kyrgyzstan iyo Tajikistan Tirada dhimashada iyo dhaawaca
____________________________________________________________________________

.

Axad: SEPTEMBER 18, 2022

Tirada dhimashada iyo dhaawaca ee dagaal u dhaxeeya dalalka Kyrgyzstan iyo Tajikistan ayaa gaaray ugu yaraan 24 qof, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasaaradda caafimaadka ee Kyrgyzstan ayaa sheegtay subaxnimadii Sabtida in 24 meyd ah la gaarsiiyay isbitaallada ku yaal gobolka Batken ee xuduudka la leh Tajikistan.

Iska horimaadyada ka dhacay xuduudka oo billowday horraantii toddobaadkan ayaa isu beddelay dagaal xooggan oo Jimcihii la isu adeegsaday taangiyo, madaafiic iyo gantaallo.

Ilaa hadda si rasmi ah looma sheegin waxa keenay dagaalka ka socda xuduudka labada dal ee jaarka ah ee ku yaalla Bartamaha Aasiya kana mid ahaa dalalkii ka go’ay Midowgii Soofiyeet

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post