1365 Views

Xildhibaan sheegay inay gumeysi ku jiraan Shacabka Kismaayo

Xildhibaan sheegay inay gumeysi ku jiraan Shacabka Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 13, 2019 – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa eedeyn kulul iyo dhaliilo waxa uu u jeediyey Madaxweynaha Mamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), xilli Kismaayo uu ku sugan yahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu ka haray Koox yar oo Al-Shabaab kasoo go’aday oo uu sheegay inay ka mid ahaayeen Aas-aasayashii,balse ay isku khilaafeen Maamulida Magalada Kismaayo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweynaha Jubbaland uu dadka Magaaldaa Kismaayo geliyey gumeysi,isla markaana uu u adeegsaday Ciidamada Dowladda Kenya oo ciidamo farabadan ka joogaan deegaanada Jubbaland.

“Dadka Reer Kismaayo adoonsi ayay ku jiraan, dadkii loo baahnaa Ra’iisul Wasaaraha lama kulmin dad gaar ah ayaa loo soo xulay,marka ra’iisul wasaaraha dhibka meesha ka jira wa uu ogyahay,waxana laga rabaa in isaga oo ka taxadaraya ammaankooda uu dadkaasi qaabilo lana kulmo ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Siyaasiyiin farabadan oo kasoo jeeda deegaanada Jubbaland ayaa aad u dhaliilsan Siyaasada Madaxweynaha Maamulka Jubbaland uu ku maamulo maamulkaas,kuwaas oo aaminsan in aragtidiisa kaliya cida ku Shaqeyneysa uu doonayo.

 

 

 

 

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment