354 Views

Burkina Faso: Kooxaha Islaamiyiinta ayaa afduubtay illaa 50 haween ah

Burkina Faso: Kooxaha Islaamiyiinta ayaa afduubtay illaa 50 haween ah
____________________________________________________________________________

talaado: January 17 2023

 Kooxaha Islaamiyiinta ah ee ku sugan dalka Burkina Faso ayaa 12-kii iyo 13-kii Jannaayo waxay afduubeen ku dhawaad 50 haween ah oo cunto u doontay gobolka Soum ee waqooyiga dalka Burkina Faso oo ah goob ay ka hawlgalaan kooxaha Islaamiyiintu, sida ay sheegtay dawladda dalkaasi.

Afduubkan ballaadhan ayaa ah kii ugu horreeyay oo ka dhaca Burkina Faso, iyada oo kooxaha Islaamiyiintu ay kaga yimaadeen dalka ay deriska yihiin ee Mali laga soo bilaabo sannadkii 2015, inkasta oo ay jiraan dedaalo caalami ah oo awood badan la geliyey sidii loo xakamayn lahaa.

Inkasta oo mararka qaarkood la afduubto dadka u dhashay wadamada reer galbeedka ama dadka deegaanka, ayaa haddana dhacdadani waxay noqonaysa markii ugu horraysay ee dumar intaas le’eg la afduubo.

Dhacdadan ayaa dad badan soo xasuusisay, tii ay ururka Boko Xaaraam ay ku afduubteen haweenka tirada badan ee u dhashay dalka Nigeria.

Kumanaan qof ayaa ku dhintay rabshadaha la xidhiidha kooxaha Islaamiyiinta, iyada oo ay barakaceen dad gaadhaya illaa 2.7 milyan oo qof oo ku nool guud ahaab gobolkaas, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Reuters

.

\Office Nairbi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post