759 Views

Shacabka kunool degaanada Hirshabeelle oo baaq loo diray

Shacabka kunool degaanada Hirshabeelle oo baaq loo diray
____________________________________________________________________________

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Kuxigeenka  maamulka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa xalay Magaalada Beledweyne Xarunta Ganacsiga Hirshabeelle uga qeyb galay Munaasabad balaaran oo loogu dabaal degayay sanad-guuradii 61-aad ee ka soo wareegatay markii ay xuroobeen Gobollada Koorfureeed iyo Israacii Gobollada Koonfur iyo Waqooyi.
Munaasabada oo ay ka qeybgaleen Kusimaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Siraaji Sheekh Isxaaq Xubnaha labada gole ee Dowlada Maamulka Gobolka Hiiraan qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Beledweyne iyo Marti sharafta kale.

Madaxweynaha oo khudbad kooban kasoo jeediyay munaasabadaan loogu dabaal degaayay 1-da Luulyo ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay habeenkaan taariikhiga ah, isagoo bulshada Hirshabeelle ugu baaqay ka shaqeynta Nabada Midnimada iyo Wadajirka Umadda Soomaaliyeed.
Waxaa sheegay in Hirshabeelle ay ka go’an tahay soo celinta  Amniga magaalooyinka iyo sidookale la shaqeynta dowladda dhexe ee Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post