1017 Views

Al-Shabaab oo miinooyin ku xiray Hoyga Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi

Al-Shabaab oo miinooyin ku xiray Hoyga Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 11 |  2020—Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen saldhiga Booliska degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan & Hoyga guddoomiyaha degmadaas,waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaaro kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in uu dhacay dagaal dhex-maray Ciidamada Maamulka degmada Jalalaqsi iyo Al-Shabaab, kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Cagajoof ayaa sheegay in Al-Shabaab ay miinooyin geliyeen Hoygiisa oo ku yaalla degmada Jalalaqsi,basale uu isaga ka maqnaay.

Waxaa uu sheegay in Guriga ay ku sugnaayeen saddex Carruur ah uu uu dhalay, balse aysan waxba ku gaarin miinooyinka lagana soo badbaadiyay.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Cagajoof oo la hadlay Risaala waxaa uu sheegay in Ciidamada Ammanaka degmada Jalalaqsi ay ka hortageen weerarka ay degmada kusoo qaadeen Al-Shabaab, khasaarana garsiiyeen wallow uusan shaacin inta uu la egyahay.

Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti, waxaana mararka qaar weerara Al-Shabaab.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post