573 Views

Janaraalka reer Jarmal ee u hiiliyay Putin iyadoo laga cabsi qabo inuu Ruushku weeraro Ukraine?

Janaraalka reer Jarmal ee u hiiliyay Putin iyadoo laga cabsi qabo inuu Ruushku weeraro Ukraine?
____________________________________________________________________________


Axad: January 23, 2022

Madaxii ciidamada badda Jarmalka ayaa iscasilay, kadib markii hadallo muran dhaliyay uu ka sheegay dalka Ukraine.

Kay-Achim ayaa sheegay in fikradda ah in Moscow ay doonayso in ay ku duusho Ukraine ay tahay mid aan waxba ka jirin, wuxuuna sheegay in waxa run ahaantii uu madaxweyne Putin doonayo ay tahay ixtiraam.

Mr Schönbach ayaa Sabtidii sheegay in uu iska casilay xilkiisa “si degdeg ah” si “uu uga hortago waxyeelo kale”.

Mr Schönbach waxa uu sheegay in Putin uu u baahan yahay in reer galbeedku ula dhaqmaan si siman. ” Way fududahay in la siiyo ixtiraamka uu runtii dalbanayo ,” ayuu yiri.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa ku tilmaantay hadalka Mr Schönbach mid “aan la aqbali karin”.

Dhanka kale xafiiska arrimaha dibadda ee London ayaa sheegay in uu hayo xog ku saabsan in Kremlin-ka uu raadinayo in Kyiv lagu soo dhiso hoggaamiye taageersan Ruushka, si ay ugu suurogasho hadafkisii ahaa inuu soo duulo oo uu qabsado Ukraine.

Waxay sheegtay in xildhibaan hore oo reer Ukraine ah oo la yirahdo Yevhen Murayev – loo tixgelinayo inuu yahay musharraxa suurtagal ah.

Xukuumadda Moscow ayaa diiday eedeymaha Britain, waxayna ku tilmaantay warar been abuur ah.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post