960 Views

Duqa Muqdisho oo dhagax-dhigey dhismaha wado Bulshada dhibaato ku qabaan

Duqa Muqdisho oo dhagax-dhigey dhismaha wado Bulshada dhibaato ku qabaan
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 9, 2020 –Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay wajigii 3-xaad ee dhismaha wadada Janaraal Daa’uud oo dhaxmarta Degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabada.

 

Wadadaan ayaa isku xirta Isgoysyada Boondheere iyo Siinaay oo ah wado aad u burbursan oo isticmaal keedana ay bulshada dhibaatooyin kala duwan kala kulmeen.

 

Wadadan uu dhagax dhigay Duqa Muqdisho ayaa kamid ah wadooyinka ugu isticmaalka badan ee Caadimadda maadama uu ku yaalo Suuqa Weyn ee Siinaay oo kulmiso degmooyinka Boondheere, Warta Nabada iyo Yaaqshiid.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Maxamed (Cumar Filish) oo goobta ka hadley ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay in dib loo soo celiyo bilicdii Magaalada,isla markaana la dhiso wadooyinka muhiimka ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment