756 Views

Muxuu Madaxweynaha Puntland ka hadli doonaa Maant?

Muxuu Madaxweynaha Puntland ka hadli doonaa Maant?
____________________________________________________________________________


Muqdisho, 6da Maarso, 2021:
-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goordhow Warbaahinta kula hadli doona Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, halkaas oo uu shalay safar deg deg ah ku tefay.

Deni ayaa ka hadli doona dhacdooyinkii u dambeeyey ee Boosaaso, isagoo sheegi doona in lasoo afjaray argagixisadii raggii weeraray Xabsiga Boosaaso, qaarkood la qabtay, baaritaano socdaan, Xukuumaddu qaadi doonto guluf dagaal, dadka ayuu ka codsan doonaa garab istaag, gaar ahaana Ganacsatada.

Sidaas oo kale arrimaha kusaleysan weerarada noocan ah ayuu ka hadli doonaa, iyada oo Puntland weli sirasmi ah u shaacin khasaaraha ka dhashay weerarkii lagu waaday Xabsiga dhexe ee Magaalada Boosaaso.

Wararka kusoo kordha kala socda www.radiorisaala.com.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post