1029 Views

SAWIRO:-RW Khayre Oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Cusub Ee Sweden

SAWIRO:-RW Khayre Oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Cusub Ee Sweden
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Oktoobar 29, 2019 —Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Danjiraha cusub ee Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Staffan Tillander.

 

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood iyo labada shacab, iyo sii wadidda taageerada dowladda Sweden ay qaybta uga qaadato dib u kabashada Soomaaliya.

 

Sweden waxa ay kamid tahay dowladaha saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya oo waqtiga dheer qaybta ka ahaa dadaallada lagu horumarinayo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.

 

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa October 16, 2019 warqadaha safiirnimo ka guddoomay danjire Staffan Tillander oo bedelay safiirkii hore ee Sweden, Andreas von Uexküll.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment