948 Views

SAWIRO:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gaaray Koonfur Afrika

SAWIRO:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gaaray Koonfur Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 08, 2019–Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahana duqa Magaalada muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filsh) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Johannesburg Ee Dalka Koonfur Afrika, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyey.

 

Wafdiga Gudoomiyaha, ayaa saacada kooban ku sugnaa qeybta Transit-ka Garoonka Ortambo,waxaana ay u sii gudbeen Magaalada Durban Ee Gobolka KZN halkaasi oo shir Caalami ah ay ugu qeybgali doonaan.

 

“Waxaan u mahadcelinaaya madaxda safaarada Soomaaliya ee dalka South Africa iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Johannesburg sida ay iigu soo dhaweeyen garoonka diyaaradaha ee Tambo International Airport ayuu yiri” Gudodomiye Cumar Filish.

 

Duqa Muqdisho iyo wafdiga la socda ayaa waxaa Magaalada Durban ee dalka Koonfur Afrika uga qyeb-geli doonaan Shirka Caalamiga ee Baarlamaanada Guddoomiyeyaasha  Global Parliament of Mayors (GPM).

 

Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Konfur Afrika waxaa uu kulamo la yeelan doonaa Soomaalida ku nool Johannesburg iyo Pretoria, Cape Town.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment